Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Daarnaa Kulankii Wasiir Hinda Gaandi Isku Yeedhay Warbaahinta?

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa kulan isku yieedhay qaybo kamid ah Warbaahinta Wasiir Hinda Gaandi kulankaasi oo aanu cadayn ujeedadiisu ayaa lagu sheegay in uu ahaa kulan ay wasiirku ku lab xaadhanayay warbaahinta oo ay hore uh jeedisay dhaleecayn iyo hadalo qadafa.

44B3D2BD-C13C-42CD-85BA-821946FA76D2.jpe

Hadaba Wasiir Hinda Gaandi oo Maalmahanba Fadhi Iyo Joogba Xamililahayd ayaa Saaka Waxay Xafiiskeeda iskugu Yeedhay Kulan Hanaankii Abaabul ahaa mid Khiyaamo oo Suxufiyiintii Ka Qayb Galay intooda Badan markii loo yeedhaayay Loogu Dhigay Waji kale balse Markii Wariyeyaashu yimaadeen Xafiiska Noqday Kulan Wasiiradu ugu Magac Dartay Islaab Xaadhasho iyo Raali Galin ay Saxafada Madaxabanaan ka Raali Galinayso Hadalkii ay Warbaahinta Milgaheeda ku Weerartay .

Geesta

kale Suxufiyiinta Goobta Xafiiska loogu Yeedhay ayaa badankoodu ahaa kuwo aan Xog Buuxda ka haynin Kulanka Wasiirka Maadaama markii loo yeedhaayay aan loo sii sheegin xogta loogu Yeedhay .
Isku Soo wada duuboo Wasiir Hinda Gaandi wasiirka arimaha Bulshada Somaliland ayaa u muuqata Mid xaaladeedu Hada marayso Odhaahdii ahayd

FALAADHI GILGILASHO KAAGAMA GOdo,

Kulankana wuxuu Noqonayaa mid markale Sii Iftiiminaaya Halkay Wasiirka arimaha Bulshada Somaliland Hinda Gaandi ka taagan tahay Warbaahinta Dalka Somaliland iyo inay Sii wado Weerarkeedii Qaawanaa .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this