Deeq A. Posted January 4, 2019 Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah aya ka soo baxaya dilkan oo ay koox hybeysan u geyseen Taliyihii saldhigga Booliska degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir. Taliyaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Macalin Daahir, kaas oo lagu toogtay agagaarka Saldhigga degmadaasi. Rag ku hubeysan Bastoolado ayaa toogtay Marxuumka, xilli uu saarnaa mid ka mid Takaasida ka howlgasha gudaha magaalada Muqdisho. Sidoo kale, Ragga ka dambeeyay dilkaasi oo laba gaaraya ayaa la sheegay in wateen Mooto Fekon ah, islamarkaana ay goobta isaga baxsadeen. Dilka kadib waxaa goobta soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa ammmaanka Soomaaliya, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Wardhiigley oo ku aadan dilka taliyahaasi. Dhinaca kale, Al Shabaab ayaa dhabarka saaratay masuuliyadda dilkan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internetka. Al Shabaab ayaa qoraalka ku sheegay in Toogashadaasi ay fuliyeen Dagaalayahanno ka tirsan “oo aad u tabaran”. Maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho waxaa kusii kordhayay beegsiga Saraakiisha iyo Askarta dowladda ee ku sugan gudaha caasimada dalka. The post Kooxo hubeysan oo dilay taliyihii Booliska D/Wartanabada appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites