Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad xooggan oo ka taagan duleedka degmada Kaaran

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo duleedka degmada Kaaraan ayaa ku warramaya in weli halkaasi ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay Sarkaal lagu dhex dilay gudaha Isbitaalka Keysaney ee magalada Muqdisho.

Dilka  Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Abishir Xasan Colow ayaa yimid, kadib markii ku dhaawacmay shaqaaqo ka dhcday agagaarka Suuqa Xirga-Dheere ee duleedka degmadaasi, kaas oo dhaawac ahaan loo geeyay Isbitaalka Keysaney, balse Rag hubeysan oo ka daba tagay ay ku dileen Saalada Isbitaalkaasi, taas oo dad badan walaac ay ka muujiyeen dhacdadaasi.

Mid ka mid ah saraakiisha Milatariga Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Xasan oo ku magac dheer Ganey, kuna sugan duleedka degmada Kaaraan ayaa sheegay in baaritaan kadib ay ogaadeen in si bareer ah loo dilay Sarkaalkaasi.

Sidoo kale, waxa uu been abuur ku tilmaamay in uu ka dambeeyay is rasaaseyn ka dhacday Suuqa Xirga-Dheere oo uu ku dhintay hal Qof.

Dhinaca kale, Ganey ayaa ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in gacanta lagu soo dhigo dadkii ka dambeeyay falkaasi naxdinta leh.

Sidoo kalena, dowladda ayuu ka dalbaday in ay ka hortagto xiisada xoogan ee haatan ka tagan halkaasi.

Waa dhacdo dhif iyo naadir ah in Isbitaal lagu dhex dilo qof dhaawac ah ama xanuunsan, taas oo la yaab ku noqotay dad badan oo Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir.

The post Xiisad xooggan oo ka taagan duleedka degmada Kaaran appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this