Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Casir Oo hambalyo u diray guddoomiyaha cusub Ee Baarlamaanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado ( Sh. M. Network )-Cali Gacal Casir guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Puntland C/xakiin Maxamed Axmed ( Dhoobo-Daareed) oo maanta lagu doortay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi.

Guddoomiye Casir ayaa ugu horreyn soo dhaweeyay qaabka ay u dhacday doorashadan, kuna bogaadiyay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi.

Sidoo kale waxa uu ballan qaaday in uu la shaqeyn doono, islamarkaana uu garab taagnaan doono guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland.

Ugu dameyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa ugu baaqay guddoomiyaha cusub ee la doortay in uu ka shaqeeyo horumarka Baarlamaanka Puntland iyo doorashada Madaxweyne ee la filayo in dhawaan ay ka dhacdo deegaanada maamulkaasi

Cabidxakiin Maxamed Axmed ( Dhoobo-Daareed) oo saddex jeer isku soo sharaxay xilkan ayaa ugu dambeyn maanta ku guuleysay, waxaana Golaha Wakiilada Puntland uu hoogaamin doonat 5 sano ee soco socota.

The post Guddoomiye Casir Oo hambalyo u diray guddoomiyaha cusub Ee Baarlamaanka Puntland appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this