Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka P/land oo la doortay

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Sh.M.Network) – Xildhibaanada Gollaha Wakiilada maamul goboleedka Puntland ayaa doortay gudoomiye ku xigeenka koowaad.

Mudanayasha ayaa ucodeeyay Cabdcasiis Cabdullaahi Cusmaan inuu noqdo ku xigeenka koowaad ee Afhayeenkooda, markii uu helay 38 cod.

Cabdicasiis oo guusha ku helay wareega labaad ayaa kaga badiyay Musharaxii kusoo dhowaa, kaasi oo ahaa Cabdixamiid Cabdi Ciise oo uruur-saday 14 cod.

Doorashada gudoomiye ku xigeenka labaad ayaa haatan socota. Doorashooyinkaan axay horudhac uyihiin midda Madaxwaynaha oo loo balamay 8-da bishaan Janaayo 2019.

The post Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka P/land oo la doortay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this