Sign in to follow this  
Deeq A.

Guriga madaxwayne ku xigeenka Jubbaland oo “la boobay”

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaareey (Sh.M.Network) – Shacab careysan oo ay horkacayaan masuuliyiinta dagmada Garbahaareey ee gobolka Gedo ayaa la wareegay hoy uu dagmadaasi ka daganaa madaxweyne ku xigeenka l1aad ee maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo shalay halkaasi gaaray isaga iyo wafdi uu hogaaminayo.

Dibad-baxyada oo shalay bilawday ayaa looga soo horjeeda maamulka Jubaland, sida wararka aan ku helnay.

Lama ogga hadii uu jiro khasaaro naf iyo maal oo mudaahraadyaddaan ka dhashay.

Dhanka kale, hoyga dibadbaxayaasha ay la wareegeen ayaa la sheegay in la boobay, lagana qaatay agabyadii yaalay sidoo kalana ay dab qabadsiiyeen.

Madaxweyne ku xigeenka iyo wafdiga la socda ayaa sidoo kale wararku waxa ay intaasi raacinayaan in loola cararay saldhig ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin duleedka dagmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad amniga iyo siyaasada dagmada, Ismaan Nuux Xaaji oo la hadlay idaacadda Shabeelle oo faafaahin ka bixiyay rabshadihii maanta ilaa iyo shalay ka socday Garbahaareey ayaa tibaaxay in xaaladdu haatan degan tahay.

The post Guriga madaxwayne ku xigeenka Jubbaland oo “la boobay” appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this