Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka PL oo la doortay

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Sh.M.Network) – Baarlamaanka Puntland ayaa maanta doortay gudoomiye ku xigeenkooda labaad.

Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa noqday ku xigeenka labaad ee Afhayeenka Gollaha Wakiilada dowlad goboleedkaan.

Xildhibaankaan ayaa guusha ku hantiyay wareegga labaad, isaga oo helay 45 cod oo kamid ah 66 mudane codka bixisay.

Warsame ayaa kaga guuleystay tartanka wareega labaad labo Musharax oo kala ahaa – Cabdiramaan Diiriye Carab, oo helay 7 cod iyo Saciid Maxamed Daahir oo 14 mudane ay ucodeysay.

Sikastaba, waxaa halkaasi kusoo gabagabowday doorashii gudoonka Baarlamaanka cusub ee Puntland – Gudoomiye waxaa noqday Cabdixakiim Dhoobo, ku xigeenka koowaad Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan.

The post Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka PL oo la doortay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this