Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Axmed Ciise Cawad oo qaabilay wefdi ka socda Finland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha debadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya, Dr Axmed Ciise Cawad ayaa xafiiskiisa ku qaabilay  wefdi ka socda dalka Finland.

Wefdiga ayaa waxaa hoggaaminayey Mr. Pekka Havisto oo ka tirsan guddiga Arimaha debadda Baarlamanka Finland.

Sidoo kale waxa ku jiray diblomaasiyiin iyo wakiilo ka socday mac-hadka Nabadda ee Midowga Yurub.

Kulanka wefdiga iyo wasiirka ayaa looga hadlay,xiriirka laba-geesoodka ah iyo iskaashiga dalalka Soomaaliya iyo Finland iyo qodoba kale.

111.jpg?resize=1000%2C486&ssl=1 222.jpg?resize=1000%2C486&ssl=1 333.jpg?resize=1000%2C486&ssl=1 444.jpg?resize=1000%2C486&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Wasiir Axmed Ciise Cawad oo qaabilay wefdi ka socda Finland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this