Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoonka labada Aqalka ee DFS oo hambalyo u diray guddoomiye Dhoobo

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka federaalka Soomaaliya,Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee Golaha wakiilada Puntland,Cabdikariin Maxamed Axmed (Dhoobo-dareed).

Mudane Xaashi ayaa guul u rajeeyay guddoomiyaha cusub, waxaana uu Alle uga durraantay inuu xilka u fududeeyo,isagoo ugu baaqay inuu ka shaqeeyo midnimada iyo wadajirka uu matelo.

Si lamid ah, guddoomiyaha Golaha shacabka Federaalka,Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa hambalyo u diray mudane Cabdixakiin Dhoobo,guddoomiyaha Golaha wakiilada Puntland.

Cabdixakiin Dhoob oo loo doortay guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa wareegii labaad helay 43-cod,halka Cabdi Jamaal Cismaan oo la tartamayna helay 23 cod.

PUNTLAND POST

The post Guddoonka labada Aqalka ee DFS oo hambalyo u diray guddoomiye Dhoobo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this