Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdicasiis Cabdullaahi oo ku guulaystay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada  Puntland ayaa loo doortay xildhibaan Cabdicasiis Cabdulaahi Cusmaan, kadib markii uu wareegii labaad helay 38-cod.

Xildhibaan Cabdixamiid Sheikh Cabdisalaan Ciise oo wareega labaad kula tartamayay ayaa  isna helay 14-cod,hase yeeshee wuxuu ka tanaasulay in uu u gudbo wareega saddexaad.

Guddoomiyaha Golaha wakiiladaPuntland, Cabdixakiin Dhoobo oo shaaciyay natiijada ayaa ku dhawaaqay, in Cabdicaasii ku guulaystay  guddoomiye ku xigeenka 1aad,maadaama uu wareega saddexaad ka tanaasulay Cabdixamiid SH. Cabdisalaan oo la tartamayey.

Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka kowaad ee loo doortay Baarlamanka Puntland ayaa waxaa ku soo baxay wejiyo cusub oo kala ah;Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhobo) iyo Cabdicasiis Cabdulaahi Cusmaan.

PUNTLAND POST

The post Cabdicasiis Cabdullaahi oo ku guulaystay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this