Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhoobo-dareed oo ku guulaystay G. Golaha wakiilada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobo-dareed) ayaa ku guulaystay doorashada guddoomiyaha Golaha wakiilada dowladda Puntland,sida uu ku dhawaaqay GKMG ee Baarlamanka,Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye

Wareegga labaad ee doorashada guddoomiyaha Baarlamanka ayaa waxaa ku tartamay laba murashax oo kala ah; Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobo-dareed) iyo Cabdijamaal Cismaan Maxamed,kuwaasoo ka soo gudbay wareeggii kowaad.

Cabdixakiin Dhoobo-dareed ayaa wareegga labaad helay 43-cod halka Cabdijamaal Cismaan uu helay 23-cod sida uu shaaciyay guddoomiyaha GKMG ee Baarlamanka,Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye.

Dhinaca kale,doorashada guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha wakiilada oo ay ku tartamayan dhowr murashax ayaa goor dhow bilaabanaysa.

PUNTLAND POST

The post Dhoobo-dareed oo ku guulaystay G. Golaha wakiilada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this