Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashada Guddoonka baarlamaanka Puntland oo ka bilaabatay magaalada Garowe (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Garowe ka bilaabatay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo labadiisa ku xigeen oo ay u tartamayaan musharixiin badan.

Dhamaan Musharixiinta u taagan xilka guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa ayaa jeediyay khudbadaha ay kaga hadlayaan waxqabadkooda marka loo doorto xilka ay doonayaan.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Puntland ayaa xildhibaanada Puntland u aqriyay sharuucda iyo habraaca doorashada, waxaana xildhibaanada lagu wargeliyay inaysan dhaqdhaqaaq sameyn karin inta doorashada socoto.

Inta doorashada socoto waxaa kaloo xildhibaanada baarlamaanka Puntland lagu wargeliyay inaysan ka bixi karin hoolka doorashada ay ka socoto.

Waxaa bilaabatay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka, waxaana ku xigi doona doorashada guddoomiye ku xigeenada baarlamaanka.

La soco doorashada guddoonka baarlamaanka Puntland.

1.jpg 1-14.jpg 2-12.jpg 3-10.jpg 4-9-750x430.jpg

Caasimada OnlineX
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this