Sign in to follow this  
Deeq A.

Codeyta xildhibaanada oo soo idlaatay iyo tirinta codadka la dhiibtay oo bilaabatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online)- Waxaa soo idlaatay codeynta xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo ay dhiibteen dhamaan xildhibaanada maamulka Puntland.

Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa shaaciyay inay bilaabatay tirinta codadka ay dhiibteen xildhibaanada maamulka Puntland.

Xildhibaan C/Xakiin Maxamed Axmed ayaana ilaa iyo hadda haysta codadka ugu badan ee la tiriyay.

Seddex meelood labo meel codadka la dhiibtay wareega koowaad ninkii hela ayaa toos u noqonaya guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.

Haddii wareega koowaad lagu kala bixi waayo waxaa labada musharax ee ugu codadka badan ay u gudbi doonaan wareega ugu dambeeya oo cod hal dheeri ah lagu kala bixi doono.

La soco doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this