Sign in to follow this  
Deeq A.

Labada Musharax ee ugu codka badan oo u gudbay wareega ugu dambeeya & Natiijada oo la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online)-Waxaa soo idlaatay wareega koowaad doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland oo maanta ka bilaabatay magaalada Garowe.

Afar Musharax ayaa u taagnaa xilka guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, waxaana musharax walbaa uu jeediyay khudbad uu kaga hadlay waxyaabaha uu qabanayo.

Musharaxiinta ayaa codadka u kala helay Sidan:

1 – Cabdirshiid Yuusuf Jibriil 5 Cod
2 – Abdijamal Cismaan Maxamed 15 cod
3 -Abdirahman Cali Jibriil 9 cod
4 – Abdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobodaarood) 37 Cod

Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa shaaciyay in seddexda musharax ee ugu codka badan ay u gudbeen wareega ugu dambeeya, waxaana wareega labaad ka haray Musharax Cabdiraxmaan Cali Jabriil oo helay sagaal cod.

Wareega ugu dambeeya waxaa u gudbay C/xakiin Maxamed Axmed oo helay 37 cod iyo C/Jamaal Cismaan Maxamed oo helay 15 cod, waxaana ay ku kala bixi doonaan cod hal dheeri ah.

Hada waxaa bilaabatay dhiibashada codka wareega labaad ee doorashada guddoomyaha baarlamaanka oo lab musharax ay kusoo hareen,

La soco doorashada Puntland

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this