Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqayn diyaaradeed oo ka dhacay Sh/Hoose [Fahfaahin]

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa duqayn diyaaradeed oo ka dhacay degaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Illo wareedyo ayaa u sheegay idaacada Shabelle in duqaynta lala beegsadau Saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahayd tuuladaasi.

Dadka degaanka ayaa kusoo waramaya in duqaynta kadib ay ciidamo ajanabi ah iyo kuwa Soomaali ah ay gudaha usoo galeen degaanka.

Wararka ayaa intaas ku daraya inuu jiro dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada huwanta ah iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo warinayaa inuu dhinacyadaan kasoo gaarey iska hor-imaadka.

Mas’uuliyiinta gobolka ayaa u sheegay idaacada Shabelle inay baaritaan ku hayaan waxyeelada ka dhalatay duqaynta iyo is-rasaaseynta.

Shalay ayay ahayd markii war kasoo baxay Mareykanka lagu sheegay in duqayn uu ka geystay gobolka Baay uu ku dilay 10 Al-Shabaab ah.

The post Duqayn diyaaradeed oo ka dhacay Sh/Hoose [Fahfaahin] appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this