Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhaan Cumar oo si rasmi ah loogu dhaariyay xubinnimada Koongareyska Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ilhaan Cumar ayaa Khamiistii shalay si rasmi ah loogu dhaariyay, in ay kamid noqoto xildhibaannada Xisbiga Dimoquraaddiga ee Golaha wakiilada Maraykanka labada sano ee soo socota.

Ilhaan ayaa lagu dhaariyay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah,iyadoo  madax daboolan,islamarkaana ay ka muqato dhaqanka asturnaanta ee lagu yaqaanno haweenka Soomaaliyeed.

Gabadhan ayaa ah Haweeneydii ugu horreysay ee Xijaaban oo ka mid noqota Aqalka Koongareyska  dalka Maraykanka,karib markii ay taageeya badan ka heshay dadka muslimka ah oo ay u horreeyaan Soomaalida ku nool waddankaasi.

Aqalka Koongareyska Maraykanka ayaa waxaa markii u horraysay xubno ka noqday laba gabdhood oo muslim ah,kuwaaso kala ah;Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib oo ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya iyo Falastiin.

PUNTLAND POST

The post Ilhaan Cumar oo si rasmi ah loogu dhaariyay xubinnimada Koongareyska Maraykanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this