Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdixakiin Dhoobo oo hoggaaminaya doorashada guddoomiyaha G. wakiilada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Doorashada guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ee hadda ka socota xarunta Golaha wakiilada ee magaalada Garoowe ayaa loo gudbay wareegga labaad,kadib markii wareeggii kowaad dhammaaday.

Doorashada guddoomiyaha Baarlamanka ayaa waxa ku tartamay afar murashax oo kala ah; Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobo-dareed),Cabdijamaal Cismaan Maxamed, Cabdiraxmaan Cali Jibriil iyo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Mudane Cabdixakiin Dhoobo ayaa helay 37 cod, Cabdijamaal Cismaan Maxamed  ayaa helay 15-cod Cabdiraxmaan Cali Jibriil ayaa helay 9-cod ,halka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil  uu helay 5-cod,sida ay uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga doorashada,Ismaaciil Cabdi Abtiile.

Wareegga labaad ayaa waxaa u gudbay, Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobo-dareed) iyo Cabdijamaal Cismaan Maxamed,kadib markii uu tanaasulay, Cabdiraxmaan Cali Jibriil oo ku soo xigay,waxaana haatan socota codaynta wareegga labaad.

PUNTLAND POST

The post Cabdixakiin Dhoobo oo hoggaaminaya doorashada guddoomiyaha G. wakiilada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this