Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka P/land oo dooranaya gudoon cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Sh.M.Network) – Magaalada Garowe, gaar ahaan xarunta Gollaha Wakiialda Puntland, waxaa maanta ka dhaceysa doorashada Gudoonka cusub ee Baarlamaanka dowlad goboleedkaan.

Afar musharax ayaa utaagan qabashada xilka Afhayeenka Gollahaan, kuwaasi oo kala ah; Cabdixakiin Maxamed Axmed, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Cabdiraxmaan Cali Jibriil iyo Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed.

Coddeynta oo la filayaa inay noqoto mid ay si balaaran ugu loolamaan tartamayaasha, martana dhowr wareeg ayaa Musharaxii soo baxa waxa uu bedali doono gudoon KMG ah oo haatan jira.

Xubnaha Baarlamaanka Puntland oo ka kooban 66 mudane oo kaliya ay hal Dumar ay ku jirto ayaa ubadan wajiyo cusub, marka laga reebo 17 Sharcidejiyaal, kuwaasi oo horey uga mid ahaan Gollihii waqtiga oo ka dhamaaday.

The post Baarlamaanka P/land oo dooranaya gudoon cusub appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this