Deeq A. Posted January 4, 2019 Guddoonka rasmiga ah ee Golaha wakiilada dowladda Puntland ayaa la dooranayaa maanta oo Jimce ah. Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa waxaa u tartamayaa 4 murashax oo kala ah; Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobo-dareed),Cabdiraxmaan Cali Jibriil,Cabdijamaal Cismaan Maxamed iyo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Dhammaan raggan u tartamayaa doorashada guddoomiyaha Golaha wakiilada ayaa la sheegayaa in ay kala wataan murashixiinta madaxtinimada Puntland,taas oo la micnaha in natiijada maanta soo baxda ay saadaal u tahay doorashada madaxweynaha. PUNTLAND POST The post Guddoonka Baarlamanka Puntland oo maanta la dooranayo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites