Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay doorashada maanta ka dhaceyso magaalada Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Garowe la filaya la filayaa inay ka dhacdo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland oo musharixiin dhowr ah ay u taagan yihiin.

Goobta doorashada ay ka dhaceyso oo ah xarunta baarlamaanka ee Puntland ayaa waxaa loo diyaariyay si wanaagsan, waxaana aad loo adkeeyay amaanka waddooyinka xarunta soo gala.

Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka waxaa afar  maalin kadib xigi doonta doorashada madaxweynaha maamula Puntland, oo ay u taagan yihiin ku dhawaad 30 Musharax oo uu ku jiro madaxweyne Gaas.

Musharixiinta Baarlamaanka Puntland ayaa ka badan shan Musharax, sida wararka aan ku heleyno, waxaana mid walbaa uu doonayaa inuu noqdo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.

Ma jirto khudbado ay jeediyeen dhamaan Musharixiinta, waxaana maanta dhaceyso doorashada Guddonka baarlamaanka Puntland.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in ka hor doorashada musharixiinta ay jeedin doonaan Khudbadaha ay kaga hadlayaan waxqabadka ay la imaanayaan haddii la doorto.

Isla maanta ayaa la filayaa in la doorto guddoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo ku xigeenkiisa, sida wararka aan ku heleyno.

La soco waxii kusoo kordhaa.

49643215_2247828281914614_38080230423537 49403668_2247828305247945_88332105676666

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this