Sign in to follow this  
Deeq A.

Congressman Eliot Engel: Waan ka walaacsanahay jihada ay ku socoto DF

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (Caasimada Online) – Xildhibaan Eliot L. Engel, oo ka tirsan aqalka wakiilada Maraykanka, ayaa walaac ka muujiyay jihada ay ku socoto dawladda Soomaaliya, waxaanu sheegay inuu ka xunyahay sida uu yahay xaalka Soomaaliya.

Eliot oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka Wakiilada Maraykanka, ayaa wuxuu ka horyimid go’aanka ay dawladda Soomaaliya ku cayrisay ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay danjire Nicholas Haysom.

“Iyadoo ay jiraan xaalado dawladeed oo sii xumaanaya iyo dagaalka joogtada ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab, Caydhinta ergayga Nicholas Haysom waxay sii kordhisay walaaca aan ka qabo jihada ay ku socoto Soomaaliya.” Waxaa sidaas yiri Eliot oo qoraal kooban soo geliyay barta uu aqalka wakiilada ee Maraykanku ku leeyahay twitter-ka.

Qoraalkan kooban ee uu Eliot baahiyey, ayada oo dowladda Mareykanka la rumaysan yahay inay taageersan tahay dowladda Soomaaliya. Si kastaba, aqalka cad ee Mareykanka iyo aqalka wakiilada ayaa mararka qaar siyaasad ahaan is-waafaqsaneyn.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis 
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this