Sign in to follow this  
Deeq A.

Khudbad jeedinta Musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka P/L oo ka bilaabatay Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online)-Musharixiinta guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa bilaabay jeedinta khudbadaha ay kaga hadlayaan waxqabadka ay la imaan doonaan haddii la doorto.

Musharixiinta ayaa la siiyay fursad kooban oo ay kaga hadlayaan hadal jeedintooda, waxaana la siiyay kaliya 10 daqiiqo inay kusoo koobaan warbixintooda ay kaga hadlayaan waxqabadkooda.

Musharax C/Xakiin Maxamed Axmed ayaa jeediyay khudbad kooban, oo aheyd middii ugu dambeeyay ee musharixiinta guddoomiyaha, waxaana uu sheegay in yoolkiisa ugu weyn uu yahay helitaanka baarlamaan la xisaabtami kara hay’adaha dowladda.

Ku simaha guddoomiyaha baarlamaanka ayaa goobjoog ka ah doorashada, waxaana aad loo adkeeyay maanta amaanka goobta doorashada ka dhaceyso.

Inka badan 5 Musharax ayaa u taagan xilka guddoonka baarlamaanka ee maamulka Puntland.

Marka la dhameeyay dhageysiga khudbadaha Musharixiinta guddoomiyaha baarlamaanka Puntland kadib waxaa la gudo galay dhageysiga khudbadaha musharixiinta guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Puntland.

La soco doorashada Guddoonka baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this