Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbaahinta Ingiriiska Oo Qaada Dhigtay Hablo Soomali Ah Oo Haysta Dhalashada British-ka Oo Guur Khasab Ah Soomaaliya Loogu Sameeyay.

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-London)Wargeyska The Times waxa uu qoray inay soo ogaadeen in Gabdhahaasi la geeyo Dugsiyo ku yaalla Somalia iyo u diyaar-garoobaan waxa loogu yeeray Guur Khasab ah, waa sida uu Wargeysku qoray.

Wargeysku waxa u uqoray in 7 gabdho Dhibanayaal ah oo da’doodu u dhexeyso 17 ilaa 22-jir la soo badbaadiyey, laguna soo celiyey Britain sannadkii 2017-kii.

Wargeyska The Times waxa kale oo uu qoray in Haweenkaasi da’da yar ee lagu soo celiyey Britain inay khasab looga dhigay inay bixiyaan Kharajka ku baxay Safarkooda soo-celinta ahaa.

4 Haween oo Somali-British ah oo laga soo badbaadiyey Dugsiyo ku yaalla Somalia ayaa waxaa loo sheegay inay mid kasta bixiso lacag dhan 740 Giniga Ingiriiska oo u dhiganta 940 Dollar ama 820 Euro.

Gabdhaha Dhibanayaasha ee dib loogu celiyey dalka Britain waxaa loo sheegay inay dib u bixiyaan Kharajkooda Duullimaadka, Cuntadda iyo Hoyga.

Gabdhahasi kuwa ay da’dooda ka sarreyso 18-jir ee aan Kharajka iska bixin karin waxaa loo sheegay inay si degdeg ah ugu saxiixaan Xafiiska Arrimaha Dibedda ee Britain Heshiisyo Amaaheed oo looga bixinayo Kharajka lagu soo dallacay.

Dhinaca kale, Wargeyska The Times waxa uu qoray in gabdhah Somali-British-ka ee la soo badbaadiyey la soo helay iyagoo ku jira Dugsiyo Dhaqan-celin ah oo ku yaalla gudaha Somalia, waa sida uu Wargeysku hadalka u dhigay.

Jaalliyadaha Soomaalida ee ku nool dalka Britain weli kama aysan hadlin Dhacdooyinkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, laga soo bilaabo sannadkii 2014-kii, dalka Britain waxa Dembi ka noqday Guurka Khasabka, iyadoo qofkii lagu helo inuu ka dambeeyo falalkaasi uu muteysan doono Xabsi 7-sanno ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this