Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Puntland oo ku gacan-sayrtay go’aankii isimada

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Puntland ayaa ku gacan-sayrtay go’aankii maanta ka soo baxay qaar kamid ah isimada Puntland ee ku saabsanaa, in laga noqday amarkii mas’uuliyiinta xukuumadda Federaalka looga mamnuucay Puntland inta ay doorashadu socoto.

War-saxaafadeed caawo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay, in aan waxba laga beddelin amarkii wasaaradda Amniga Puntland ay ku mamnuucday, in madaxda iyo shaqaalaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay soo galaan Puntland mudada lagu jiro doorashada.

Mas’uuliyiinta la mamnuucay ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sida war-saxaafadeedka ku cad waxaa loo arkay, in ay khalkhal gelinayaan amniga,xasiloonida iyo habsami-usocodka doorashada Puntland.

Hase yeeshee waxaa xusid mudan in dadka la ga mamnuucay Puntland aysan ku jirin, xildhibaannada labada Aqal ee dowladda Federaalka Soomaaliya(Golaha shacabka& Aqalka sare),balse Golaha xukuumadda oo keliyah uu go’aankaasi ku koobanyahay,sida ku cad warqaddii hore ee ay soo saartay wasaaradda Amniga.

FB_IMG_1546543334542.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Xukuumadda Puntland oo ku gacan-sayrtay go’aankii isimada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this