Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Nicholas Haysom ku sheegay khudbaddii uu u jeediyey golaha amaanka?

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka QM ayaa maanta kulan ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, waxaana khudbad ka jeediyey wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom.

Nicholas Haysom, ayaa dhowaan dowladda Soomaaliya ay dalka ka cayrisay, ayada oo ku eedeysay faro-gelinta arrimaha gudaha dalka.

Si kastaba, khudbaddiisa maanta, ayaa sida ay dad badan filayeen, waxa uusan marnaba kusoo hadal qaadin go’aankii ay ka qaadatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Haysom ayaa ka hadlay arrimo kale oo xaaladda dalka Soomaaliya ku saabsan, wuxuuna dowladda ku dhaliilay qaabka ay ula macaamisho dowlad goboleedyada, iyo gaar ahaan faro-gelintii ay ku sameysay doorashadii maamulka Koonfur Galbeed.

Haysom ayaa sheegay in faro-gelinta la tuhmayo in dowladda Soomaaliya ay ku sameysay doorashada Soomaaliya aysan rajo wanaagsan ka bixineyn doorashooyinka soo socda ee dowlad goboleedyada kale iyo doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee 2020.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xiritaanka Roobow ay hor-istaagi doonto xubno kale oo sare oo Al-Shabaab ah oo laga yaabay inay dowladda isku soo dhibaan kuna soo biiraan hanaanka siyaasadda dalka.

Haysom ayaa ka diga in khilaafka dowladda iyo dowlad goboleedyada uu caqabad ku yahay in Soomaaliya ay horey u tallaabsato.

Inta badan khudbaddiisa ayaa u badneyd guud mar uu ku sameeyey xaaladda Soomaaliya iyo dhacdooyinkii dhacay sanadkii 2018.

Waxa uu sheegay in uu la dhacay qorsheyaasha isbaddalada waqtiga dheer ee Xukuumadda iyo sida ay uga go’antahay in ay u fuliso qaab ficil ah ayadoo adeegsanaysa hannaankii lagu gaadhi lahaa.

Soomaaliya ayuu sheegay in ay u socoto dhanka Wanaagsan, balse isku dhacyada siyaasadeed ay u keeni karaan in ay waddadaas ka weecato.

Dhanka maaliyadda ayuu sheegay in Isbaddalada maaliyadda iyo ballaarinta dakhliga gudaha ee lagu kordhiyay 8-da milyan ee dollar bishii September ay ka dhigan tahay in boqolkiiba 56 miisnaaiyadda dawladda federalka ah ay ka imaanayo dakhliga gudaha oo gaaraya 340 milyan kaas oo sanadka 2019 kasoo xaroon doona gudaha dalka halka inta kalena ay bixin doonaan deeq bixiyeyaashu.

Wuxuu ku ammaaay xafiiska Raysul Wasaaraha dadaallada la dagaallanka musuqmaasuqa, ayna kamid tahay in xukuumaddu ay 9-kii December ku dhawaaqday in ay saxiixdo heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaallanka musuqmaasuqa.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this