Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidammada Maraykanka Oo Duqeyntii Ugu Horraysay Sannadkan Ka Fuliyay Soomaaliya Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-War saxaafadeed ka soo baxay ciidamada u qaabilsan Maraykanka qaarada Afrika ee Africom ayaa sheegay in duqeyntii ugu horeysay ee sanadkan ay ka fuliyeen gobolka Bay.

Duqeyntan ayay ciidamada Maraykanku sheegeen in ay ku dileen toban ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

“Waxaan qiimeyneynaa in dad rayid ah aysan ku dhiman duqeyntan,”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Africom.

Duqeyntan ayay ciidamada Maraykanku fuliyeen 2dii bishan iyadoo ay ku sheegeen in duqeyntan ay ka dhacday meel ku dhow deegaan lagu magacaabo Dheerow Sanle.

Duqeymaha ciidamada Maraykanka ka geysanayaan deegaano ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa korodhay sanadkii la soo dhaafay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this