Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Federaalka Ah Oo Hakiyey Xiriirkii Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hakiyey xiriirkii wada-shaqeyn ee kala dhaxeeyey golaha shacabka.

Arrintan ayaa timid markii ay isku qabteen arrimo dastuuri ah, oo ay ka mid tahay in dastuurka dhigayo in madaxweynaha saxiixo hindise sharciyeedyada ay soo ansixiyaan labada aqal ee baarlamaanka.

Aqalka sare waxaa uu sheegay in mar walbo uu bixinayey dadaal dheeraad ah oo in si wanaagsan u wada shaqeeyaan labada gole muddadii labada sano ee uu dhisnaa agolaha.

Waxaa uu golaha aqalka sare qoraal uu soo saaray ku jirtay, kana mid ah qodobada uu diidanaa sida loo ansixiyey miisaaniyaddii 2017 iyo midda 2018, in golaha shacabka uu sharci-darro u adeegsaday magaca baarlamaanka sida matalaadiisa: Midowga baarlamaannada Afrika(5 xubin), Midowga baarlamaannada carabta(4 xubin), midowga baarlamaannada Islaamka(4 xubin), baarlamaanka IGAD(5 xubin), midowga baarlamaanka adduunka(5 xubin), iyo arrimo kale.

Golaha aqalka sare waxaa uu shaaca ka qaadan in aanu la shaqeyn karin golaha shacabka inta madaxweynaha ka xalinayo arrimaha kor ku xusan.

Akhriso:

1.gif 2.gif 3.gif 4.gif

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this