Deeq A. Posted January 3, 2019 Muqdisho (Sh.M.Network) – Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika, AFRICOM, oo war-qoraal ah soo saareey ayaa wuxuu ku sheegtay inuu duqayn cusub ka fuliyay dalka Soomaaliya. AFRICOM ayaa tilmaamtay in weerarka cirka ah oo ka dhacay tuulada Dheerow Sanle ee gobolka Bay ay ku dishay 10 xubnood oo Al-Shabaab ah. Mareykanka ayaa tibaaxay in howlgalkaan oo ay fuliyeen Arbacadii shalay ahayd aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin dad shacab ah. Ma jirto wax war ah oo ku aadan sheegashada Mareykanka oo kasoo baxay dagaalamayaasha hubeysan ee Al-Shabaab. Waa duqayntii ugu horeysay oo ay dowladda Mareykanka ka geysto Soomaaliya sanadkaan cusub ee 2019. The post Mareykanka oo fahfaahiyay duqayn uu ka fuliyay Somalia appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites