Deeq A. Posted January 3, 2019 Muqdisho (Sh.M.Network) – Ergaygii Qaramada Midoobay uqaabilsanaa Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa warbixin siiyay Gollaha amaanka UN-ka. Haysom ayaa ku amaanay dowlada Federaalka kobdhicinta Dakhliga dalka, hagaajinta nidaamka maaliyadeed iyo walba la dagaalanka musuq-maasuqa. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu hoosta ka xariiqay in hadii aanan si wanaagsan wax looga qaban arrimahii ka dhashay rabshadihii ka dhacay Baydhabo ay saameyn karaa doorashooyinka soo socda ee maamulada. Horaantii isbuucaan ayay ahayd markii dowlada Soomaaliya ay dalka ka eriday Nicholas Haysom, iyada oo ku eedaysay inuu faraliyay arrimaha dalka, markii uu ka hadlay xariga Mukhtaar Roobow iyo rabshadihii ka dhacay Baydhabo. The post Gollaha Amaanka QM oo warbixin ka dhageystay Haysom appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites