Sign in to follow this  
Deeq A.

Gollaha Amaanka QM oo warbixin ka dhageystay Haysom

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Ergaygii Qaramada Midoobay uqaabilsanaa Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa warbixin siiyay Gollaha amaanka UN-ka.

Haysom ayaa ku amaanay dowlada Federaalka kobdhicinta Dakhliga dalka, hagaajinta nidaamka maaliyadeed iyo walba la dagaalanka musuq-maasuqa.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu hoosta ka xariiqay in hadii aanan si wanaagsan wax looga qaban arrimahii ka dhashay rabshadihii ka dhacay Baydhabo ay saameyn karaa doorashooyinka soo socda ee maamulada.

Horaantii isbuucaan ayay ahayd markii dowlada Soomaaliya ay dalka ka eriday Nicholas Haysom, iyada oo ku eedaysay inuu faraliyay arrimaha dalka, markii uu ka hadlay xariga Mukhtaar Roobow iyo rabshadihii ka dhacay Baydhabo.

The post Gollaha Amaanka QM oo warbixin ka dhageystay Haysom appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this