Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan maamulka Sh/ Dhexe Oo isbedal lagu sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar ( Sh. M. Network )-Kadib wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Hirshabelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilkii looga qaaday xoghayihii maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Ibraahim .

Xoghayaha cusub ee maamulka gobolkaasi ayaa waxaa loo magacaabay Abshir Ibraahim Maxamed.

Cali Ibraahim xoghayihii hore ee gobolka Sh/ Dhexe  ayaa loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka arrimaha maamulka gobolka,iyadoo sidoo  kale guddoomiye ku xigeenkii Maamulka iyo Maaliyada Cabdulaahi Axmed Shitaawe uu noqonayo guddoomiye ku xigeenka arrimaha Maaliyadda.

Halkan hoose ka Akhriso.

wareegto-hirshabeelle-1-212x300.jpg

The post Xubno ka tirsan maamulka Sh/ Dhexe Oo isbedal lagu sameeyay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this