Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo madaafiic isku’ weydaarsaday Tukaraq

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Puntland iyo Somaliland ee isku’ horfadhiya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa maanta is-weydaarsaday madaafiic culus oo mudda saacado ah  socotay,sida ay sheegeen dadka degaanka.

Madaafiicda oo ay bilaabeen ciidamada Somaliland ayaa waxaa jawaab ka bixiyay ciidamada difaaca Puntland ee halkaasi ku sugan oo qoryaha BM-ka huwiyay taliska militariga Somaliland ee Tukaraq,sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegeeyaan in xaaladdu si caadi ah ku soo laabatay,hase yeeshee faahfaahin lagama hayo khasaaraha ka dhashay madaafiicda ay isweydaarsadeen labada dhinac.

Wixii ka soo kordha kala soco Puntland Post

The post Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo madaafiic isku’ weydaarsaday Tukaraq appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this