Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo runta u sheegtay caalamka: Dalka anaga ayaa maamulna (Aqri khudbadda danjire Abukar Baale ee QM)

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay nuqul ka mid ah khudbadda la filayo in safiirka Soomaaliya ee QM uu goor-dhow ka jeediyo kulanka golaha ammaanka uu ka yeelanyo arrimaha Soomaaliya.

Khudbadda oo inteeda badan ku saabsan horumarka ay dowladda Soomaaliya ee madaxweyne Farmaajo ay samaysay, ayaa waxaa ku jira qeyb ayada oo aan la magacaabin si toos ah ugu socota ergeyga QM ee Soomaliya laga eryey Nicholas Haysom iyo beesha caalamka.

Qeybtan ayaa cinwaan looga dhigay: Soomaaliya ayadaa hogaamisa taageerada caalmiga ah, ee taageerada caalamiga ah ma hogaamiso Soomaaliya.

Waxaa sida cad u jeedku yahay in beesha caalamka loogu sheegay in taageerada ay siiyaan Soomaaliya uusan macnaheedu ahayn in talada dalka ayaga looga dambeeyo.

Qoraalkan ayaa danjire Abuukar daahir Cusmaan Abuukar baalle uu ku leeyahay saidan:

Anaga, ayaa sidaas darteed, waajib naga saaran yahay, inaan dib u aas-aaso maqaamka Soomaaliya ee caalamka iyo inaan si fir-fircoon danaha Soomaaliya ugu matalno masraxyada caalamiga. Waxa ay ku fanaan iyo ilaalinta dadka Soomaaliyeed dartood, waxaa waajib naga saaran yahay, anaga oo ah kuwa matala, inaan siino codka iyo matalaadda himilooyinkooda iyo hiigsigooda.

Mudane madaxweyne [madaxweynaha golaha ammanaka]

Ii ogolow inaan arrintan sii sharxo. Soomaaliya waa ay kala saartaa hay’daha aan qeybta ka nahay iyo ficillada shaqsiyaadka saameynta dhaawaca leh u gaysan kara dalkeena aan cagaha adag ku taganeyn. Waa wax aynaan aqbali karin ficillada shaqsiyeed ee ka baxsan xeerarka iyo nidaamka aynu dhammaanteen raacno, ee looga gol leeyahay in lagu abuuro jawi aad u xun oo dhaawac gaarsiin kara hormuarkii ay gaartay bulshada Soomaaliyeed, ee ay ku jirto waxyeeleynta horumarka muhiimka ah ee laga gaaray cafinta daymaha.

Dowladdeena waxay Soomaaliya ku jiheeneysa mustaqbal cusub. Soomaaliya hadda kuma jirto xaalad ku meel gaar ah, hase yeeshee waa dal madax banaan leh dhamaman xuquuqaheeda iyo mudnaanteeda. Waxaan la dagaalaymaan argagixiso, maskax qabyaaladeed iyo musuq-maasuq. Waxaan ka rajeeneynaa hoggaanka QM inuu taageero istaraatiijiyaddan.

aaaaaaa.png

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this