Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax xoogan Oo ka dhacay magaalada Baladweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Baladweyne ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo barqanimadii maanta ka dhacay gudaha degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay agagaarka Saldhigga Booliska ee magaaladaasi.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi oo ahaa mid xoogan.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo gaaray halkaasi ayaa gabi ahaan xiray meesha ay wax ka dhaceen.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Baladweyne oo ku aadan qaraxaasi.

Qaraxani ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan dari oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay qeybo ka mid ah magaaladaasi.

The post Qarax xoogan Oo ka dhacay magaalada Baladweyne appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this