Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii gobolka Sool oo Garoowe lagu xidhay

Recommended Posts

Deeq A.   
ABUUKAAAAR.jpg?resize=640%2C415&ssl=1Abukar Cabdi Geelle

Guddoomiyihii gobolka Sool ee Puntland,Abukar Cabdi Geelle oo maalmo ka hor xilka iska’ casilay ayaa saaka Garoowe lagu xidhay sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga Puntland.

Abukar oo hataan ku xidhan saldhiga dhexe ee magaalada Garoowe ayaa shalay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku dhaliilay madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) oo uu ku eedeeyay qodoba ay kamid yihiin musuq maasuq,waxqabad la’aan iyo fashil-siyaasadeed.

Dhaliil.jpg?resize=545%2C864&ssl=1

Laamaha amniga gobolka Nugaal oo Puntland Post xiriir la samaysay ayaa ka gaabsaday in ay faahfaahin ka bixiyaan xadhiga mas’uulkan,hase yeeshee waxaa la aaminsanyahay in lagu haysto qoraalkii shalay uu ku dhaliilay madaxweynaha.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyihii gobolka Sool oo Garoowe lagu xidhay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this