Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidan Afmadow diyaarad lagu geeyey oo howl-gal wada jir ah billaabi doona

Recommended Posts

Deeq A.   

Afmadow (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada maamulka  Jubbaland ay wadaan dhaqdhaqaaqii ugu dambeeyay dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

Ciidamadan ayaa inta badan diyaarado lagu geeyay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana wararka ay sheegayaan inay qeyb ka yihiin ciidamo Axmed Madoobe uu doonayo in Al Shabaab uu kaga saaro deegaanada Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday abaabulka ciidamada maamulka Jubbaland oo uu doonayo inay iyaga bilaabaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, kadibna Dowladda iyo AMISOM ay raaci doonaan.

Wuxuu kulamo kala duwan la qaatay saraakiisha hogaamineyso howlgalka cusub ee uu doonayo inuu kaga saaro  Al Shabaab gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Wuxuu dhawaan ka sheegay magaalada kismaayo in muddo Afar sano ah la balanqaadayay in la xureyn doono degmada Bu’aale oo caasimad u ah maamulka Jubbaland, balse hadda ay iyaga isku tashadeen oo dagaalka ay bilaabi doonaan.

Walaac badan ayaa laga muujiyay ciidamo u badan Nabad sugid oo diyaarado lagu geeyay degmada Afmadow oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo marar badan Al Shabaab ay weerareen.

Dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa hadda laga dareemayaa deegaanada maamulka Jubbaland.

49151099_2127309187580415_32732693344823 49479700_2127309217580412_27547283292894 49671108_2127309474247053_59639266215502

Caasimada Online
Xafiiska Jubbaland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this