Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADDANI Oo Fashiliyay Danaysiga UCID Iyo Tudhaale La’aanta KULMIYE

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa faah faahin ka bixiyay burbur Shalay Mar kale kuyimid Wadahadaladii u socday Xisbiyadda UCID,WADDANI Iyo Kulmiye, kaasi oo ku saabsanaa in heshiis laga gaadho khilaaf mudo soo jiitamayay oo ay isku afgaran laayihiin in wax kabel lagu sameeyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

67F3F4E3-7EAB-4EB8-A995-3C9AA98DC508.jpe

Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo ka tirsan Saraakiisha sare ee Xisbiga WADDANI oo arintani Warbaahinta u faah faahiyay ayaa waxa uu yidhi“Markii lawada hadlay, Labadii Arin ee Xisbiga WADDANI Shardiga u ahaa ee ahaa in Doorashooyinka dambe uu Komishan Cusub inoo qabto iyo Komishankaasi innuu noqdo mid soo xulistiisa Xisbiyadu ay u siman yihiin, labadii arin midnaba aanay ka keenin wax ogolaanshiyo ah iyo wax tanaasul ah, Xisbigii Kulmiye iyo Doorkan Xisbigii UCID oo kula socdaaba, Markaa waan cadaynaynaa, Waxay la yimaadeen Doorashadan Komishankii hore sidii ha u qabto, sidii loosoo Xulay sidii ha ahaato, Doorashooyinka dambe uun, Laba Xubnood oo Xisbiga UCID la tagay in lagu daro ha noqoto, taasi ayay la yimaadeen”.

Waxa kale oo uu yidhi: “Horta waa mid eh, Doorashooyinkan inagu soo fool leh, ee Xisbiga WADDANI yidhi, waar haddii aanu tii hore ka tanaasulnay, tanaasilo horena oo aanu tirsanaynayna ay jirtay, oo Gudoomiyihii Golaha Wakiiladda ee la isku qabtayba Xisbiga WADDANI uu ka tanaasulay, labadaasi tanaasulba isagoo tirsanaya, doorkan in tanaasulka laga eegayay xaga Madaxtooyadda, horta Doorashadan soo socota kamay muujin wax tanaasul ah kamay muujin eh, komishankii hore ayaanna qabanaya, Dhismihiisu sidiisii ayuu ahaanayaa haddii wax badel laga hadlo doorashooyinka dambe ayay noqonaysaa, ta lala shir yimid taasi ayay noqotay, Xisbiga UCID-na waa uu lasoo go’aan qaatay, isagoo la tagay laba xubnood, in Mucaaridka loogu daro, taasi oo aan iyana u cuntamay Xisbiga WADDANI, oo halka uu Kulmiye Shanta ka leeyahay WADDANI ha qaato laba, wali waxaanu u aragnaa waxaan isku dhawayn, waliba arinka ay ka hadlayaan uu yahay Doorashooyinka dambe”.

Ugu dambayn waxa uu yidhi: “Waxa uu Xisbiga WADDANI Cadaynayaa inaanay jirin wax tanaasul ah oo Xisbiga WADDANI uga tanaasulay Doorashada soo socota haddii ay Komishankii qabanayay ay tahay iyo haddii ay tiradiisii tahay midnaba aan laga tanaasulin, sidaasi ayaanu umadda u cadaynaynaa”.


Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this