Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: Culimada Puntland oo bayaan ka soo saaray doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Bayaan ka kooban sagaal qodob oo ka soo baxay Culimaa’uddiinka Puntland, ayaa ku baaqay in la iska’ ilaaliyo bixinta iyo qaadashada laaluushka ee doorashada Puntland,si looga baaqsado dayac mas’uuliyadeed iyo ciqaab Rabbaani ah.

Culimada ayaa Baarlamanka cusub ee dowladda Puntland ka codsaday, in ay doortan madax ku habboon matelidda bulshada, islamarkaana ay tix-geliyaan xilka ay u dhaarteen iyo xisaabta Alle ee sugaysa.

Dhinaca kale, murashixiinta u tartamaya xilka madaxtinimada  Puntland oo gaaraya ilaa 30 murashax ayay culimadu ugu baaqeen, in ay isu’ tanaasulan,si loo yareeyo culayka badan ee ka jira doorashada.

Bayaanka oo xalay soo baxay ayaa waxaa ku saxiixan 12 kamid ah culimada Puntland oo uu u horreeyo Sheikh Daahir Aw-Cabdi.

PUNTLAND POST

The post Garoowe: Culimada Puntland oo bayaan ka soo saaray doorashada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this