Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waxa Aanu Dilnay Boqolaal Ka Tirsan Ururka Booko Xaraam…” Dowladda Nigeria

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nigeria)-Dowladda Nigeria waxay sheegtay in ciidamadeeda ay dileen in ka badan 280 dagaalyahan oo ka tirsan maleeshiyaadka Booko Xaraam xilli weerar dhulka iyo cirka ah ay ku qaadeen ciidammada deeganno ku yaalla xadka.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda gaashandhigga Nigeria oo laga akhriyay telefishinka ayaa lagu sheegay in maleeshiyaadka lagu laayay weerar duqeyn ah.

Waxay ciidammada sheegeen inay soo qabteen hub badan oo ay kamid yihiin gantaallada riddada dheer xilli ay weerar ka gaysteen jasiirado ku yaalla harada Chad gaar ahaan agagaarka webiga Komadougou Yobe.

Ciidamada Nigeria ayaa maalmihii ugu dambeeyay weeraro khasaare dhaliyay kala kulmay ururka Booko Xaraam oo muddo 10 sanno ah dagaal ku jiro dowladda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this