Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Afrika Oo Cambaareeyay Duqeyntii Ka Dhacday Xerada Laamaha Qaramada Midoobay Iyo Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Xafiiska Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa cabraareeyay falkii duqaynta ahaa ee salaasadii Todobaadkan lala beegsaday xarunta Xalane, oo fariisin u ah laamaha Qaramada midoobay iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya.

War qoraal ah oo Shalay kasoo baxay Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, Ambassador; Francisco Caetano Jose Madeira, ayaa lagu dhaleeceeyay cidda ka dambeysay weerarkaas, wuxuuna sheegay in aysan taasi caqabad ku keeni doonin howl-galka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay Soomaaliya ka wadaan.

Weerar Hoobiye oo Talaadadii lagu qaaday Xarunta Xalane, ayaa Sababay Dhaawaca Laba ka mid ah Shaqaalaha Qaramada midoobay iyo Nin Qandaraasle ah, waxaana mas’uuliyaddiisa sheegatay Kooxda Al-Shabaab.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this