Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo 1000 Askari hor leh u diyaariyay Ammaanka Muqdisho.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Jeneral Bashir Cabdi Maxamed  ( Ameeriko) Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay diyaariyeen illaa 1000 Askari dheeraad ah oo qeyb ka noqonaya Ciidamada suga Nabad Gelyada Caasimadda.

Taliye America ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamadani ay u soo gaba gabeeyeen Tababar islamarkaana si rasmi ah ay uga howl billaabi doonaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa tilmaamay  in Ciidamadani ka rajeynayaan wax  ka bedelida Ammaanka Magaalada Muqdisho.

Dowladda Somalia ayaa dadaal ba’an ugu jirta xaqiijinta Nabad gelyada Muqdisho  , walow ay ka dhacaan , mararka qaar falal Amniga liddi ku ah kuwaas oo Masuuliyadooda dusha u ritaan Al Shabaab.

 

The post Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo 1000 Askari hor leh u diyaariyay Ammaanka Muqdisho. appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this