Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallo laga sameeyay degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Ciidamada Ammaanka degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir ayaa xalay illaa saaka howlgallo ka wada Xaafado ka tirsan degmadaasi.

Howlgalkaan ayaa daba socda kadib Qarax Bambaano oo xalay lagu weeraray fariisin ay Ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmadaasi.

Weerarkaasi Bambaano ee xalay lagu qaaday Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen illaa 4 qof oo isugu jira Shacab iyo Askar.

Sida dadka deegaanka ay u xaqiijiyeen Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho , waxaa howlgallada Ciidamadu ka sameeyeen Xaafadaha degmada Yaaqshid lagu soo qab qabtay Tiro dhalinyaro ah kuwaas oo haatan lagu hayo baaritaanno.

Ma jiro wax faah faahin ah oo saraakiisha laamaha ammaanka degmada Yaaqshid iyo maamulka degmadaasi ay ka soo saareen qaraxaasi iyo howlgalkii ka dambeeyay intaba.

 

 

The post Howlgallo laga sameeyay degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir. appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this