Deeq A. Posted January 3, 2019 Laamaha amniga Somaliland ee gobolka Sool ayaa xalay magaalada Laascaanood ku xir-xiray, dad isugu’ yimid kulan ay sheegeen in ay ku taageersan yihiin Dr Cali Ciise Cabdi oo kamid ah murashixiinta xilka madaxweynaha Puntland. Dadkan oo isugu’ jiray dhalinyaro,haween iyo cuqaal ayaa Somaliland ku eedaysay, in ay taageersan yihiin Puntland,waxaana lagu uruuriyay xabsiga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool,sida ay sheegeen suxufiyiin ku sugan gobolkaasi. Maamulka gobolka Sool ee Somaliland ayaa hore u mamnuucay, in magaalada Laascaanood lagu qabto kulamo lagu taageerayo arrimaha siyaasadda Puntland,iyagoo ku hanjabay in ciddii amarkaasi jebisa tallaabo adag laga qaadi doono. PUNTLAND POST The post Somaliland oo Laascaanood ku xir-xirtay dad shacab ah appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites