Sign in to follow this  
Deeq A.

Murashixiinta madaxtinimada Puntland oo ku shirsan guriga Islaan Ciise

Recommended Posts

Deeq A.   

Murashixiinta madaxtinimada Puntland ee doorashada 8-da Jannaayo 2019 iyo qaar kamid ah isimada ayaa haatan hoygiisa kula shirsan Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse oo kamid ah isimada waaweyn ee Puntland.

Shirkan oo warbaahintu ay dibadda ka joogto ayaa sida wararku sheegayaan ku saabsan wada-tashi iyo kala xog-qaadasho arrimaha doorashada Puntland oo maalmo yar ay ka harsan yihiin,waxaana la filayaa markii uu soo dhammaado in uu suxufiyiinta la hadlo Af-hayeenka murashixiinta Aadan Maxaamed Ciise Gaadaale oo ka warbixin doona qodobada laga wada-hadlay.

Doorashada madaxtinimada Puntland ee muddaysan 8-da Jannaayo 2019 ayaa waxaa ka harsan mudda 5 maalmood ah,iyadoo Jimcaha berri ahna loo ballansan yahay doorashada Guddoonka Baarlamanka ee rasmiga ah.

Ilaa 30 murashax ayaa u tartamaya doorashada madaxweynaha Puntland,waxaase la filayaa in qaar kamid ah murashixiinta ay is’casilaan ka hor inta aan la gelin hoolka ay ka dhacayso doorashadu maalinta talaadada ah ee ku beegan 8-da Jannaayo 2019.

Faahfaahinta kala soco: Puntland Post

The post Murashixiinta madaxtinimada Puntland oo ku shirsan guriga Islaan Ciise appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this