Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha amaanka oo kulan ka yeelanaya go’aankii DF ka qaadatay Danjire Haysom

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in kulankooda sanadlaha ah ee ka dhacaya magaalada New York ay kaga  hadlaan go’aanka dowladda Soomaaliya ka qaadatay Nicholas Haysom.

Nicholas Haysom oo hadda ku sugan magaalada New York ayaa la filayaa in golaha amaanka uu u gudbiyo warbixin la xiriirta waxyaabaha keenay inay isku dhacaan dowladda Soomaaliya iyo isaga.

Nicholas Haysom ayaa ka gaabsaday inuu saxaafadda faahfaahin ka siiyo waxyaabaha ka dambeeya go’aanka dowladda Soomaaliya ka qaadatay, waxaana la filayaa inuu warbixinta qaramada Midoobay uu u gudbinayo inuu kaga hadlo.

Haysam ayaa qoraal u diray Wasiirka Amniga Gudaha ee DFS, Maxamed Abuukar Islow “Ducaale”, kaasi oo uu Ergayga walaac xooggan kaga muuiyey Xarigii Mukhtaar Roobow Abu Mansuur iyo Kaalinta ay Boliska ay QM maalgelisay ku lahaayeen soo-qabashaddii Roobow.

Dowladda Soomaaliya oo taasi ka jawaabeysa ayaa go’aan ka qaadatay Haysom, waxaana laga joojiyay inuu ka shaqeeyo guud ahaan dalka Soomaaliya, taasi oo culeesaad badan keeni karta.

Lama oga go’aanka Golaha amaanka ay ka qaadan doonaan qoraalka dowladda Soomaaliya ay dalka kaga eriday Nicholas Haysom.

Caasimada Online
Xafiiska USA
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this