Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Kaalinta Mareykanka ee go’aankii ay dowladda Somalia cayrisay Haysom

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa tagaeersan go’aanka dowladda Soomaaliya ay dalka uga cayrisay ergeygii garaka ahaa ee QM, Nicholas Haysom, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in cayrinta Haysom aysan ku iman oo kaliya warqaddii uu dowladda u diray ee la xiriirtay xariga Mukhtaar Roobow, balse ay jiraan dhacdooyin kale, oo Soomaaliya iyo Mareykankaba ku qanacsaneyn oo uu qaaday Haysom.

Sida aan xogta ku helnay, Mareykanka ayaa lagala tashaday go’aanka dowladda Soomaaliya, kaasi oo ay taageereen, ayagoo u yaboohay dowladda Soomaaliya inay ka taageeri doonaan cawaaqib kasta oo ka yimaada tallaabadan.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya uusan ka qanacsaneyn laba arrin oo uu sameeyo Haysom oo kala ah; inuusan Mareykanka la-tashi badan ka galin tallaabooynka uu qaado, iyo inuu ku deg dego go’aanadiisa.

Mareykanka oo ah dalka ugu badan ee bixiya dhaqaalaha QM ayaa rumaysan inuu xaq u leeyahay inuu noqda kan ugu horreeya ee arrimaha Soomaaliya laga talo-geliyo.

Waxaa sidoo kale jira khilaaf iyo loolan hoose oo u dhaxeeya Mareykanka iyo Midowga Yurub oo ku wajahaan arrimaha Soomaaliya. Haysom ayaa aad ugu dhow dalalka Midowga Yurub, gaar ahaan UK, taasi oo Mareykanka uusan ku farxin.

Warqaddii uu Haysom u diray wasaraadda amniga Soomaaliya 30-kii December, ayaa waxaa raacsanaa lifaaqa warqad ay si wada jir ah u qoreen Germany, UK iyo Midowga Yurub. Si kastaba, xoga aan helany ayaa sheegeysa in Mareykan uu diiday inuu ka hadlo dhacdooyinkii Baydhaba, kuna biiro go’aanka beesha caalamka ee sharaxaadda lagu weydiistay dowladda Soomaaliya.

Go’aanka Mareykanka ayaa sidoo kale ka carreysiiyey xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, oo shalay soo saaray qoraal ay Mareykanka uga dalbadeen inauu arrintan ka hadlo, ayaga oo wax aan la qaadin karin ku tilmaamay in Mareykanka aamuso. Halkan ka aqri qoraalka xildhibaanada.

Inksta oo aysan si rasmi ah u caddeyn mowqifkooda, haddana Mareykanka ayaa la sheegay inuu dowladda Soomaaliya ku raacsan yahay xariga Mukhtaar Roobow, ayaga oo u arka halis amni in xilligan Roobow lagu aamino xil madaxweyne, isaga oo aan weli si buuxda uga tanaasulin fikirka xagjirnimo.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Mareykanka ay Haysom u sheegeen inuusan faro-gelin arrintan Roobow, balse uu ku gacan seeray, isaga oo dhageystay dalalka Jarmalka iyo UK.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka madaxwene Trump ayaa aad isugu dhow, waxaana Mareykanka uu bilihii dhowaa aad u xoojiyey weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab, oo xubno badan looga dilay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this