Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Khayre oo la kulmay xubno ka socda Finland

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul wasaare, Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaan Pekka Haavisto oo ka tirsan baarlamaanka Finland, khabiirna ku ah arrimaha Soomaaliya iyo geeska Afrika, kana oo shaqeeyay machadka Nabadda dalkaas.

Ra’iisul wasaaraha iyo xildhibaan Haavisto ayaa ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha cafinta daymaha, dib-u-eegista dastuurka, hannaanka diiwaan gelinta xisbiyada dalka iyo doorashooyinka la filayo dalka in ay ka qabsoomaan 2020.

Pekka Haavisto ayaa hoggaanka dawladda Soomaaliya ku ammaanay sida ay uga go’antahay dib usoo kabashada Soomaaliya, waxa uuna sheegay in dawladda Filand ay ku garab taagantahay ka mira dhalinta himmilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

The post RW Khayre oo la kulmay xubno ka socda Finland appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this