Deeq A. Posted January 2, 2019 Waxa jira dad Ku dooda guurtidu xulasho ayay Ku imanaysaa doorashase kuma Iman karto ,hadaba dadka aragtidaa qaba waxa horyaala sadex suaalood oo muhiima . 1- golaha guurtidu waa gole siyaaasiya ,oo qabanaya shaqada golaha wakiiladu qabto ,guud ahaan xeerarka wakiiladu ansixiyaana way marayaan ,markaa gole lasoo doortay iyo mid la soo xulay siday isula jaanqaadayaan ? 2- marxladii beelaha waa laga soo guurey ,siyaasada wadanka joongontayntedana xisbiyo ayaa Ku loolamaya ,markaa xisbiyada madaxwayne nimada u tartamaya ee deegaanka u tartamaya ee bàarlamaanka u tartamaya sidee bay ugu heshiin karaan xulista gole siyaasadeed ,yaase xulaya oo dhexdhexaada . 3- haddii laba gole oo isku mida kii sarre lasoo xulayo ,maxaa Ka hoose doorashadiosa laggu falayaa 4- siyaasad xisbiyo Ku dhisan , bàarlamaan xisbiyo Ku dhisan , xukuumad xisbi Ku dhisan iyo gole beelo soo xulaan sidee bay isula falgalayaan 5- ugu danbayn beelaha Ku muransan saami qaybsiga kiraasi gobolo Ku isman oo loo tartamayaa ma Ku heshiin karaan saami Ku salaysan beelnimo iyo xulasho . Source Share this post Link to post Share on other sites