Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciyaarta Ugu Xiisaha Badan Horyaalka Ingiriiska Oo Khamiista Ay Fooda Isku Dari Doonaan Liverpool Iyo Manchester City.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Manchester) Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad ku martigelin doonta Liverpool habeenka Khamiista, waxaana kulankaasi uu noqon doonaa mid natiijadiisu saamayn wceyn ku yeelan doonto sida uu noqonayo horyaalka Premier League xili ciyaareedkan iyo naadiga ugu dambayn ku guuleysan doona.

65F37668-D2EB-4662-B167-4C4CF6FF553A.jpe

Manchester City si ay u furto tartanka hoggaanka sare ee u muuqda inuu koox kaliya gacanta u galo, waa inay ka adkaato Liverpool oo ay soo yarayso farqiga dhibcaha ay ka horreyso, laakiin Reds oo aan dhinaceeda dhulka la dhigin xili ciyaareedkan socda, ayaa waxay u halgami doontaa inay saddexda dhibcood kasoo qaadato naadiga Pep Guardiola oo xilligii ciidda masiixiga dhibaatooyin badan haleeleen.

Pep Guardiola oo lagu yaqaano qaab ciyaareed wanaagsan oo ku dhisan isku-dhiib iyo goolal qof kasta oo kooxda ah uu dhaliyo oo aan hal laacib oo kali ah laga sugin, waxa sida taariikhda lagu bartay uu dhibaatooyinka ugu badan kala kulmaa Jurgen Klopp oo ah macallinka kaliya ee kulamadii ay iskaga hor yimaaddeen guulaha badsaday.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this