Deeq A. Posted January 2, 2019 New York ( Sh. M. Network )-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guteress ayaa si kulul u camabaareeyay weerarkii Hoobiyeyaasha ahaa ee shalay gelinki dambe lagu qaaday xarunta Xalane degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Mr Guteress ayaa caafimaad deg deg ah u rajeeyay labo ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay kuwaasi oo ku dhaawacmay weerarkaasi. Waxaana uu ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay baaritaano dheeraad ah ku sameyso dhacadadaasi. Sidokale Xoghayaha QM ayaa xoosta ka qariiqay in ficilada nuucaasi aysan aheyn kuwo wax u dhimaya taageerada ay siiyaan Soomaaliya, siina wadi doonaan. Al Shabaab ayaa sheegtay weerarkaasi lala beegsaday xarunta Xalane oo ah fadhiga ugu weyn ee QM iyo sidoo kale taliska Midowga Africa ee AMISOM. Taallabadan ayaa imaaneysa, xilli DFS ay ku eedeysay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nikolas Haysom in uu ku xadgudbay madax banaanida Soomaaliya, kana ceyrisay guud ahaan dalka. The post QM Oo si kulul u cambaareysay weerarkii Xalane appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites